Xogta qorshe xasaasi ah oo sarkaal u dhawaa Fahad uu ka wado Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdirisaaq Yuusuf Cali (Terra) oo ahaa sarkaal sare oo si weyn ugu dhawaa Taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa si qarsoodi ah ku tegay Somaliland.

Terra, oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland, ayaa leh tababar sare oo ciidan iyo mid sirdoon, xilli markii Fahad uu joogay hoggaanka NISA lagu tilmaami jiray inuu ahaa kaaliyihii ugu dhawaa ee sida gaarka ah ula shaqeynayay.

Caasimada Online, oo aad u baartay xogta ninkan iyo waxa uu ka qabanayo Somaliland, maadaama uu horey uga tirsanaa saraakiisha sare ee sirdoonka Soomaaliya, ayaa baaristeenna ku ogaatay in Terra uu maamulka u wakiishay qorshe xasaasi ah oo dhanka sirdoonka ah.

Sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA), oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo jira awgood, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Terra loo xilsaaray horumarinta qalabka sirdoonka iyo kor u qaadista aqoonta hawl-wadeennada hay’adda.

Ninkan, oo tababar heer sare ku soo qaatay dalal ay ka mid yihiin Turkiga, ayaa wada qorshe qalab sirdoon loogu rakibayo hay’adda Sirdoonka Somaliland, si ay sare ugu qaaddo awoodeeda sirdoon.

Inkasta oo sarkaalka la hadlay Caasimada Online uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo nooca qalabkan, haddana wuxuu noo xaqiijiyay in arrintaas ay hadda socoto, ayna dalka yimaadeen khubaro kale oo cadaan ah oo dalabkooda uu lahaa Terra, si loo hirgeliyo qorshaha qalabkan sirdoon.

Sidee ayuu Terra ku tegay Somaliland?

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Cabdirisaaq Terra wuxuu Somaliland ku tegay kadib cafis uu ka helay Madaxweynaha Somaliland, kadib markii uu ka laabtay mowqifka midnimada Soomaaliya oo uu ku dhaganaa markii uu la hawl-galayay Fahad Yaasiin.

Saxafigan u xuubsiibtay sirdoonka, si la mid ah taliyihiisii Fahad, ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo hoose ka wada magaalooyinka Somaliland, iyadoo ay saacadihii dambe muujinayaan muuqaal sir ah oo laga duubay isagoo ku sugan magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Inkasta oo ay hore u dhacday in Somaliland ay cafis u fidiso shaqsiyaad xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu u dambeeyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Bayle, haddana waxaa isweydiin mudan sababta madaxda sare ku kaliftay inay cafis u fidiyaan sarkaal sare oo ka tirsanaa NISA.

Sababta ugu weyn ee Terra loogu furay albaabada Somaliland ayaa waxaa qeyb ka ah sidii uu door muhiim ah uga qaadan lahaa qorshaha dib u habeynta loogu sameynayo sirdoonka Somaliland, oo sanadihii dambe ay ka muuqatay habacsanaan xoog leh.

Terra haatan si gaar ah ayaa loo ilaaliyaa, iyadoo inta badan dhaq-dhaqaaqiisa uu yahay mid qarsoodi ah. Waana shaqsi si weyn ugu dhagan fikradda “is-qarinta”, taas oo hore ugu caanbaxay Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, intii uu hoggaaminayay NISA, inkastoo markii uu shaqadaas ka tagay uu kasoo muuqday shaashadaha warbaahinta.