C/ladiif Sanyare oo war culus kasoo saaray Shabaabkii ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay maxaabiis ka tirsanayd Al-Shabaab oo xalay ka baxsatay xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo ay gacanta ku hayso Puntland.

Tirada maxaabiista baxsatay ayaa ahayd 12, laakiin waxaa la soo qabtay 9 kamid ah raggaasi, kadib howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Ragga baxsaday oo ka tirsanaa Argagixisada ayaa waxaa qaarkood ay ku xukunaayeen dil toogasho ah, halka kuwa kalena ay ku xukunaayeen xabsi daa’in, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaanka oo si kulul uga hadlay arrintan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maxaabiis saddex sano kahor dil lagu xukumay ay xabsiga ka baxsadaan, ayada oo kaliya ay u harsan tahay in la qisaaso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay wuxuu soo jeediyay in lala xisaabtamo ciddii ka dambeysay inay baxsadaan maxaabiistaas oo horay dhibaatooyin uga gaystay magaalada Gaalkacyo.

“Waa wax aad looga xumaado, in gacan kudhiigle 3sano kahor dil lagu xukumay, oo ay u harsantahay in la qisaaso, uu xabsiga kabaxsado, waxaan rajaynaya cidii u kaalmaysay gacan kudhiiglayasha in cadaalada lahorkeeno,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sanyare.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa baadi-goob ugu jiro saddexda maxaabiis ee la la’yahay, waxaana socda howlgallo lagu raadinayo xubnahaasi.

Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed, sidoo kalena ay gaysteen weeraro qaraxyo ah.

Si kastaba, Xildhibaan Cabdiladiif ayaa waxaa walaalkiis Marxuum Axmed Muuse Nuur (Sanyare) oo ahaa guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland qarax ugu dilay kooxda Al-Shabaab, waxaana kadib xilkaas la wareegay isaga, inkastoo markii dambe uu iska casilay, kadibna loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.