Cabsi Mareykan miyaa mise wax kale ayaa jiro: Sacuudiga oo qaab kale u dhigtay cuna qabateynta Qatar

Washington (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku adkeysatay inaysan Qatar ku jirin cuna qabateyn balse ay xiriirka u jareyn dowladaha ay iyada hormuudka u tahay ee ku yaal Khaliijka iyadoo ay jirto walaac weyn oo ay adduunka dhan ka muujiyeen arrintaan.

Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray dowladda Qatar asbuuci lasoo dhaafay, iyagoo ku eedeeyey inay la safan tahay Iiraan iyo kooxaha argagixisada inkastoo ay iyadana arrintaas inkirtay.

Sacuudiga ayaa sidoo kala xirtay xuduuda dhulka ay la laheyd dowladda Qatar, sidoo kalana waxaa laga mamnuucay diyaaradaha Qatar inay isticmaalaan hawada dalalka Sacuudiga, Bahreyn iyo Imaaraadka, waxayna arrintaas keentay dhibaato xagga safarka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Adel al-Jubeir kaasoo Magaalada Washington wadahadal kula leh xogyahay Mareykanka Rex Tillerson ayaa tilmaamay inaysan Qatar gelin cuna qabaten balse ay kaliya xiriirka u jareyn, taasoo u muuqato marmarsiiyo ay Sacuudiga u yeeleyso go’aanka ay Qatar ka gaartay.

“ Dowladda Sacuudiga kaliya jimicsi ayey sameysay, diyaarna uma ahan inay ku xad gudubto madax banaanida Qatar” ayuu yiri Jubeir

“ Ma  jirto cuna qabateyn la saaray Qatar, xor ayey u tahay inay aado meeshey rabto, Dakadaheeda way furan yihiin, garoomada diyaaraha way u furan yihiin” ayuu mar kale yiri Jubeir oo uu garabkiisa taagnaa Tillerson.

“ Kaliya hawada Sacuudiga ayaan ka mamnuucnay inay isticmaalaan diyaaraha Qatar Aiways, diyaaradaha kale adduunka ee u socdo Qatar way isticmaali karaan Hawadeena” ayuu sii raaciyey.

“ Dakadaha Qatar way furan yihiin, ma jirto cuna qabateyn saaran iyaga, Qatar alaabaheeda way u dhoofsan kartaa dibadda xilli kasta oo ay doonayaan, kaliya biyaheena ma isticmaali karaan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com