26.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Cali Jeyte oo beeniyey sheegasho ay sameysay DF + Arrinta muranka dhalisay

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamka ay duqeyn ku dileen Horjoogihii ugu halista badnaa Al-Shabaab ee deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule) oo shalay la xaqiijiyey geeridiisa.

Cali Jeyte ayaa sheegay in ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan ay ninkaas ku dileen weerar dhabagal ah oo ka dhacay aagga deegaanka Ceelhareeri oo hoos taga degmada Moqokori.

Sidoo kale, Cali Jeyte ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dafirto doorka dagaalka Macawiisleeyda iyo dilka ay u geysteen horjoogahii Al-shabaab ee gobolada Hiiraan, Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe.

“Horjooge Nuunaale iyo horjooge kale waxa dilay ciidanka Macawiisleeyda weerar jidkal ku sameeyay, cid kale ma dilin, mana ahan in la xaqiro doorkooda, iyagoo maalin walba dhiig u daadinaya difaaca dalka, waa nasiib daro weyn,” ayuu yiri.

Me. Jeyte ayaa sidoo kale xusay in Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay hayaan howshii looga baahna Soomaalida oo dhan, balse ay muuqato in guushii ay gaareen lasii xaqiraayo, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Soomaaliweyn waxaan leeyahay waad nagu fiirsateen dagaalka, Macawiisleyda Hiiraan waxay hayaan talaabadii laga rabay Soomaaliweyn oo dhan, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed yaan nalagu fiirsan cadawga, hadii nalagu sii fiirsadana wax walba way dhamaan doonaan, waxaana qormeysa taariikh,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Hadalka Cali Jeyte ayaa burinaya warkii Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi oo shalay sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada caalamka ay duqeyn ku dishay Nuur Cabdi Rooble Nuunuule.

Telefishinka Dowladda ayaa soo bandhigay muuqaalka gantaalkii lagu dhuftay Nuunuule iyo maleeshiyaadkii la dhintay, kaas oo haleelay bartilmaameed sax ah oo khasaare culus u geystay Al-Shabaab, sida lagu cadeeyey warbixinta.

- Advertisement -

Read more

Local News