Caliyaale iyo Naar Weyne – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Afraad

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan dhowr jeer tegey tuulada Caliyaale oo qiyaastii 15 u jirta Muqdisho.  Waddada Balac ayay ku taallaa inta u dhexeysa Ceel Cirfiid iyo Garas Bintow. Waxaan raadinayay Cabdullaahi Bashiir oo wiilkiisu uu ka mid yahay maxaabbiis markaas ku jirtay xabsi Ethiopia in ka badan 10 sano, ehelkooduna uu u haysto in ay dagaalkii ku dhinteen.

Inkasta oo qof yaqaan aan ka waayay tuulada markii aan dhowr jeer tegey, haddana waxay igu noqotay wax aanan ku qanci karin.

Caliyaale oo xafiiskeyga sidaa ugu dhow in aan soo saari waayo maxbuuska aabbihiis waxay igu noqotay xujo igu taagan.  Waxaa kale oo aan ku qanci waayay in tuulo sidaa u yar ay dadkoodu is aqoon waayaan.

Mar kasta waan ka fekeri jiray kiiskan.  In ay meel wax ka khaldan yihiin ayaan dareemay.  Xaggee wax ka khaldan yihiin ayay su’aashu noqotay?

Waxyaabo badan ayaa madaxeyga ku soo dhacay oo aanan hadda wakhti kaaga lumineyn.

Sida maanta oo kale ayaan maalin Jimco ah la sheekeysanayay dhallinyaro aan saaxiibbo nahay.  Waxaa ka mid ahaa Allah ha u naxariistee Cabdulqaadir Cali Iidle oo aan Raadiyo Muqdisho ka wada shaqeyno.  Inta sheekadu ay socoto waxaa maskaxdeyda qeyb ka mid ah ku taagan arrinta maxaabbiista kiisaskooda oo marba mid i hor imaanayaa.

Mar qura ayaan soo xusuustay magaca Cabdullaahi marka uu joogo Caliyaale in laga yaabo in uu noqdo Cabdulle.  Si ka culus qiyaas ayaa wax ii sheegeen in ninka aan la’ahay ee reer Caliyaale aanuu ahayn Cabdullaahi Bashiir ee noqon uu ahaan karo Cabdulle Bashiir.

Waan sugi waayay Sabti iyo maalin shaqo.  Isla markii ayaan dhaqaajiyay.  Daqiiqado yar ka dibna waxaan tegey Caliyaale.

Sida aan ku tababbartay magaalada marka aad raadineyso dadka asalka ah ee laga yaabo in ay muddo dheer joogeen, dadka oo dhanna la macaamila waxaa ka mid ah dadka xirfaduhu ay u furan yihiin sida macallinka Quraanka, Imaamka Masjidka, makhaayadlaha, Timo Jaraha iyo kaariga suuqa baabuurta.

Naar Weyne

Waxaan u tegey nin kabo tolaya ama goommiiste ah, waxaan xusuustaa farsamo gacanta ah oo uu dhulka fadhiyay in uu ka shaqeynayay agtiisana ay yaalleen taayarro baabuur oo qaarkood uu jarjaran yihiin.  Waan ag fariistay.  Markii shaqadii uu markaa gacanta ku hayay uu ka soo jeestay ayaan weydiiyay ma taqaan Cabdulle Bashiir oo reer Caliyaale ah?  Wuu ii sheegay in uu yaqaan laakiin uu maanta ku maqan yahay tuulo la yiraa Naar Weyne oo lagu duceysanayo.

Naar Weyne wuxuu iigu tilmaamay in uu waddada ka baxsan yahay laakiin uu la siman yahay Caliyaale.

Waxaan weydiiyay wiil uu dhalay oo dagaalkii 1977 ku dhintay in uu jiro.  Nacam, ayay noqotay jawaabtu.  Wuu xaqiijiyay arrintaas oo waliba wiilka magaciisa ayuu ii sheegay.  Magaca uu ii sheegay iyo ninka aan waraaqda ka sido magaciisu waa iskeeneen.

Naar Wyne ayaan tilmaantii la i siiyay ku tegey.  Waa goob lagu walimeysanayo.  Rag aad u fara badan ayaa jooga.  Xoolana waa la qashay.  Cabdulle waa la i tusay.  Waxaan u sheegay in aan arrin ka leeyahay oo aan u baahan ahay in aan gooni u baxno.  Wuu iga yeelay inkasta oo nin saaxiibkiis ahi soo raacay.

Geed ayaan ag istaagnay markaasaan u billaabay sheeko kooban.  Waan isu sheegay qofka aan ahay iyo hey’adda aan ka socdo.  Waxaan u sheegay in aan maqlay in waiilkiisu uu ku geeriyooday dagaalkii 1977.  Waxaan u raaciyay in ay jiraan dad loo haysto in ay dagaalka ku dhinteen, laakiin ka badbaaday oo Dowladda Ethiopia ay xabsi ku hayso.  Ma maqashay ayaan iri warkaas.

Wuxuu ii sheegay in uu war noocaas ah dad ka maqlay laakiin run iyo been waxa ay tahay aanuu isagu ogeyn.

Waxaan u sheegay in ay run tahay.  Waxaa kale oo aan u sheegay in wiilkiisu uu maxaabbiistaas ka mid yahay.   Waraaqna aan uga sido.   In yar ka dib, waraaqda uu u soo direy ayaan u akhriyay.

Markii uu cabbaar aammusnaa ayaan haddana u sheegay in uu wiilkiisu jawaab ka sugayo.  Waxaan u fasiray in ay tahay in uu jawaabta noogu keeno xafiiskeenna Muqdisho oo aan u tilmaamay si aan u gaarsiinno wiilkiisa.  Waxaan ugu daray in aan anigu ka qori karo jawaabta isla hadda haddii uu diyaar yahay.  Tan dambe ayuu aqbalay.

Caqli mase Cilmi

Wuxuu billaabay in uu ii yeeriyo farriinta uu wiilkiisa u dirayo.  Aniguna inta aan kadalloobsaday oo bowdadeyda sida miis aan xaashida saaray ayaan billaabay in aan qoro farriinta.

Isaga oo sida macallin dugsi quraan i kor taagan oo ii yeerinaya farriinta, laakiin codkiisu deggan yahay, anna aan qorayo ayaa waxaa hadalkiisii kala gooyay oo ka dhex galay saaxiibkiis.

“Cabdullow waa kula yaabbanahay.” Ayuu hadalka ku billaabay.  “Ma ninkii toban sano mootanaay oon duugtiisii dhignay aad hadda la warramee?”

Cabdulle oo aniga i soo xiganaya ayaa ku jawaabay, “Sidaad u hadlee xeey tahay! Ma waadan maqleyn warka ow igaarku hadda noo sheegaayay? Waa nool yahay maqli meyn haddoo?

Mowqifkiisii wuu ka soo dabcay laakiin jawaabta Cabdulle bixiyay ma wada qancin saaxiibkiis.

“Xataa haddow nool yahay, ooy run tahay, ma nin gacan Amxaaro ku jira aad warqad u diree?

Cabdulle intuu saas u fiiriyay, ayuu ugu jawaabay, “Inta labada oday ka wadahadlaayaan eey ka shiran tahay”.

Kelmaddaas Cabdulle ku jawaabay waan ka helay laakiin markaas macna aad u weyn iima sameyn.

Hase yeeshee dhacdooyin sannad ka dib aan arkay ayaa hadalkiisii iiga dhigay mid aan soo xusuusto, welibana xusuusteyda ka go’i waayay fahamka siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee aan kala kulmay ninkaas tuulo joogga ah.

Cabdulle iilama ekeyn nin iskuul dhigtay. Hase yeeshee, wuxuu ku hadlay hadal diblomaasiyadda wada xaajoodka ka tarjumaya.  Ku saleysan khibrad.  Haddana aan Ilaaheey ka quusan ee samafilasho ah.

Wuxuu gartay in labadii dirirtaa ay heshiin karaan.  Wuxuu gartay in Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Hailemariam laga yaabo in ay wadahadlaan, taasina ay horseedi karto in maxaabbiista la is weydaarsado.

Caqliga iyo garashadu mararka qaar waxay ku tusayaan wax aan dadka kula asaagga ahi arki karin.

W/Q. Yuusuf Garaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com