Canshuurta iibka oo maanta si rasmi ah uga dhaqan-gashay Muqdisho xilli laga gadooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah dalka uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT).

Canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda beddeshay hanaanka tooska ah ee loo jaranayo, ayada oo ka go’aysa lambarada ganacsi ee loo yaqaano Merchant.

Ganacsatada ayaa lacagta canshuurta iibka ku dalaceysa muwaadinka, kadibna marka uu isla marka dhaco iibka dowladda ayaa lambarka ganacsadaha ka jaraneysa xadiga canshuureed ee uu wax ku iibsaday.

Inkasta oo hanaanka ay dowladda u jaraneyso canshuurta ay sheegtay inay tahay mid ganacsatada ka go’aysa, haddana culeyska waa mid shacabka ku dhacaya, maadaama ayaga lagu dalacayo canshuurtan oo dhan 5%.

Qiimaha lagu bilaabay canshuurtan ayey dowladda sheegtay ah inuu yahay kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taas oo ay ku tilmaamtay mid “ay dowladda ugu turayso shacabka Soomaaliyeed” oo kasoo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay kusoo jireen.

Dhinaca kale, waxaa maanta xiran ganacsiyada Muqdisho qaarkood, ayada oo ganacsatada ku ganacsada suuqa Bakaaraha ay albaabada u laabeen ganacsiyadooda, kadib markii ay cabasho xooggan ka muujiyeen canshuurta ay dowladda maanta dhaqan-galisay.

Dowladda iyo ganacsatada ayaa horey ugu kala kacay kulamo looga hadlay canshuurtan, oo culeys kale sii saareysa shacabka Muqdisho oo laga qaado lacago loo sameystay magacyo kala duwan, xilli ay lacag la’aan baahsan soo wajahday caasimadda.