Caro xooggan oo ka dhalatay hadalkii Xasan Sheekh ee damaca Itoobiya ee BADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh Maxamuud ayaa shalay sheegay in Itoobiya aysan u diidanayn inay hesho bad, balse ay rabaan inay soo marto wadadeeda sharciga ah.

“Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaarto, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaaraysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka madaxweynaha oo kusoo aaday xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa si weyn uga carooday bulshada Soomaaliyeed qaarkood, ayada oo inta badan dadkii ka fal-celiyay hadalkaan oo lasoo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook ay kasoo horjeesteen, iyagoo tilmaamay in xilligaan madaxweynaha looga fadhin hadal sidaan u dabacsan.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay hadalka madaxweynaha?

Mowliid Cali Mire: “Aad iyo aad baan uga xumahay dalkeygu in uusan laheyn hogaan aragti leh ama hogaamiyaal madax-banaan iyo dad isku toosan oo aanan la xisaabtami karin hogaamiyahooda oo ku qasbi kara in uu ka laabto wixii qaldan oo uu sameeyo.”

“Sifada sharciga ah oo ay ku soo gaari karto Ethiopia badda Somalia madaxweynuhu ma cadeyn, halkaas waxaa iiga bidhaantay in madaxweynuhu uusan waxba u diidaneyn Ethiopia ee kaliya uu ka xun yahay Muuse xagiisa in laga soo maray.” ayuu yiri Maxamed Cabdiqaadir Macallin.

Maxamed Macallin ayaa waxa uu intaas kusii daray “Haddii asaga (Xasan) loo imaan lahaa uu bixin lahaa bada, haddana uu u gogol xaarayo sidii uu ugu gacan galin lahaa. Bulshada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay tashtaan.”

Daa’uud Cabdi Ruus ayaa sidoo kale waxa uu isna yiri “Madaxweynaha hadalkaan jilicsan lagama filaneyn, laakiin maalgashiga Soomaaliya haddii sharci loo maro wey banaan tahay.”

Cabdiraxmaan Cali: “Odayga la-taliyaaal ma qabo miyaaa horta.”

“Masha Allah waa sax haddii Ethiopia ay ganacsi rabto waa diyaar lkn bad laqaato maheyno nuxurka hadalka Masha allah mudane madaxweyne,” ayuu yiri Xasan Muuse.

Kaamil Cade: “Sharci iyo sharci daraba Itoobiya bad naguma laha ma laga soo gudbay.”

Anwar Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Xasanow awalba qayladadu ma hayn inaad Ethiopia ka celiso bada Somalia balse waxay aheyd lacagta ha ila dhafinina haddana ujeedkaga wad cadaysay awalba Somalia wax u harsana maleh ee hala gato inta hartayna.”

“Madaxweyne waa qaldan tahay sida jilican aad Ethiopia ula hadleyso si diplomacy mahan, waxaana ka muuqda cabsi iyo jileec fara badan,” ayuu yiri Sadiiq Cabdinaasir.