Caro xooggan oo ka dhalatay xad-gudub ay DF kula kacday HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Caro xoogan ayaa waxa ay ka dhalatay Maab ay shalay dowladda federaalka kusoo bandhigtay soo dhaweynta markabka Turkiga ee shidaalka ka baaraya Soomaaliya, kaas oo laga saaray magaca HirShabelle, balse lagu xusay labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isla Maabkan ayaa sidoo kale lagu muujiyay in Mudug oo ay wada maamulaan Galmudug iyo Puntland uu yahay dhul lagu muransan yahay.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana ka falceliyay dad kala duwan oo ay ku jiraan syaasiyiin caan ah oo Soomaaliyeed.

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kasoo jeedo HirShabelle ayaa mar wax laga waydiiyay falka ay ku kacday dowladda dhexe ayaa ku jawaabay “Dowladda iyadaa ku daraysa Maabka HirShabelle laga saaray”.

Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan BFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo qoraal soo saaray ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadan oo ay si gaar ah ugu kacday wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo jiritaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu inkirayo, kana dhigaya laba Gobol” ayuu yiri Maxamed Abuukar.

Xildhibaanka ayaa sii raaciyay “Waxaan canbaareynayaa in xilligan ay Wasaaraddu adeegsato Khariirad la diyaariyay sanadkii 2011, taasoo abuureysa kala qeybin iyo xiisado siyaasadeed, dibna noogu celineysa xaalad laga soo gudbay 13 sano ka hor”

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay arrintan ka bixiso cudur daar, si loo saxo khaladka shalay dhacay ee ku aadan Maabka lasoo bandhigay.

“Waxaan Wasaaradda Batroolka iyo Xukuumadda Federaalka ka dalbaneynaa inay cudurdaar ka bixiso xadgudubka ay kula kacday Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedyada kale” ayuu yiri mar kale yiri wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.