CC Shakuur oo si adag uga horyimid tallaabo ay maanta qaaday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa jawaab adag ka bixiyay tallaabo ay maanta qaaday dowladda dhexe, kadib markii la hor istaagan safar uu Baydhaba ku tegi lahaa Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo laga reebay diyaaraddii uu raaci lahaa.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u cambaareeyay xayiraadda la saaray xildhibaanka, wuxuuna sheegay inay tahay arin halisteeda leh oo ku tumasho ah.

Sidoo kale wuxuu ka digay hanjabaadyo uu sheegay inay ka imaanayaan dhanka madaxweynaha, isaga oo ku macneeyay ku takrifal awoodeed iyo kalitalisnimo.

“Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh. Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda” ayuu yiri warsame.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waxaan canbaaraynayaa safarka ay maanta hay’adda amniga kaga xanibtay xildhibaan Maxamad Sheikh C/llaahi (Ciro) oo u safrayey magaalada Baydhabo. Waa xildhibaankii labaad oo safar loo diido.

Xorriyadda safarka waxa ay ka mid tahay xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku u damaanad qaaday muwaadinka, kumana sii jiro xildhibaan xasaanad leh.

Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh. Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda.

Waxaan ugu baaqayaa madaxda qaranka in ay ka waantoobaan ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku takrifalka xuquuqda muwaadinka, kana fogaadaan ficilka gurracan ee bulshada kala fogaynaya.