“Waxaa la gaaray xilligii RUNTA la isku sheegi lahaa, lana WAJAHI lahaa…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo markale ka hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee Jimcihii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido, oo ay ku laysay shacab badan oo aan waxba galabsan ayaa sheegay in la taagan yahay xilligii dhabta la wajihi lahaa.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay inta ay kuwo la fikir ah ku sugan yihiin caasimadda, ayna ka tirsan yihiin dowladda iyo ganacsatada dalka uusan joogsaneyn gumaadka shacabka, ayna tahay in runta la iskaga sheego dadkaasi Shabaab kalkaalka ah.

“Soo ma habboona in aan dhabta wajahno, runtana iskaga sheegno kuwo la fikirka ah ee Masaajida ka khudbeeya, ama mansabka dowladeed haya, kuwa ganacsatada sheegta ee taageera,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Kuwo karti darrida noogu baylihiya ee xilalka dowlada ka macaasha iyo kuwo hoggaan xumida noogu hoosaasiya sow ma ahan in aan runta iskaga sheegno.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Toddobaadkii hore argagexisada boqol ka badan ayaa looga dilay furinta dagaalka ee Jubbaland, iyaguna xalay ayey ka aarguteen shacabkii xeebta Liido u soo neecawsi tegey.

Waa fulayaal ka been-sheega in ay shisheeye soo duulaay iyo dowlad garabsiinaysa la diririyaan, waxaase mudan in aan su’aalo iska waydiino sababaha sahlay in ay argagexisadu sanado badan nagu dhex noolaato?.

Waxaa jira dalal kale oo hortaya iyo ka dibkeemba argagexisadu heshay, balse ka lug baxay oo maanta nabad iyo ammaan ah.

Soo ma habboona in aan dhabta wajahno, runtana iskaga sheegno kuwo la fikirka ah ee Masaajida ka khudbeeya, ama mansabka dawladeed haya, kuwa ganacsatada sheegta ee taageera ama canshuurta siiya, kuwo karti darrida noogu baylihiya ee xilalka dawlada ka macaasha iyo kuwo hoggaan xumida noogu hoosaasiya.