Taliska ATMIS oo qiraal ka sameeyay dilka shacab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska howlgalka ATMIS oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dhacdo dad shacab ah lagu dilay oo ka dhacDay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu eedeeyay ciidamadaUganda ee ka tirsan ATMIS.

Ugu horreyn ATMIS ayaa qiraal ka sameysay dilkaas oo loo gaystay illaa 2 qof oo ku sugnaa Buulo Mareer, waxaana dilkooda uu dhacay 17-kii bishan July ee 2024-ka.

ATMIS ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay haatan billowday baaris ku aadan falkaas oo dadka shacabka ah ay waxyeelo kasoo gaartay, isla-markaana ay ka dhalatay caro xoogan.

Sidoo kale waxay ballan-qaadday in ay soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxda baaritaanka marka la soo gabagabeeyo, ayna la wadaagi doonto ummadda Soomaaliyeed.

Taliska ATMIS ayaa intaasi kusii daray in ciidamadooda uu waajib wayn ka saaran badqabka shacabka, isla markaana ay Soomaaliya u joogaan kaliya nabad ilaalin.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen. Ciidamada ATMIS waxaa loo tababaray inay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Shuruucda Hawlgelinta ee lagu maamulayo hawlgallada militari, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta,” ayaa lagu yiri war qoraalka ah ee kasoo baxay ATMIS.

Qirashada ATMIS ayaa kusoo aaday kadib dibad-baxyo ka dhacay magaalooyina Buulo Mareer iyo Muqdisho oo lagu cambaareeyay dhibaatada ay ka gaysatay halkaasi, ayada oo sidoo kale cadaalad loogu dalbayay dhibanayaasha oo ahaa dad beeraley ah.

Horay ciidanka ATMIS ayaa marar kala duwan dad raydi ah ugu laysay gudaha Soomaliya, waxaana dhacdooyinkan ay noq noqdeen kuwa soo laa laabtay, mana muuqato qorshe cad oo ay wax uga qabaneyso dowladda Soomaaliyeed oo iyada mas’uul ka ah dad & dadlkaba.