Daawo: Ciidamada DANAB oo deegaan istaraatiiji ah ka qabsaday Al-Shabaab

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kula wareegeen deegaanka Harboole oo ah mid istaraatiiji ah, iskuna xira gobollada Jubbooyinka.

Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaankaasi, waxayna kadib isku fidiyeen tuulooyinka u dhow, si ay uga hortagaan soo rogaal celinta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Deegaankan ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in qabashada deegaanka Harboole uu dhabar jab wayn ku yahay Khawaarijta, isla markaana ay kala go’ayaan Al-Shabaabka ku sugan labada gobol ee Jubbooyinka oo ay ku xoogan tahay kooxda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli ciidamada ay kusii siqayaan deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaas, si ay uga fara maroojiyaan Al-Shabaab.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Si kastaba, Jubbaland ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.