Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada kumaandooska Danab ka sameeyeen duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta kMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland.
Howlgalkan oo ka dhacay Tuulada Kuuba-Kabir ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo halkaas isku uruursanayay.
Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha la beegsaday ay weerar ku ahaayeen deegaanka Janaay Cabdalla, balse ay ka hortageen, sida uu hadalka u dhigay.
Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in goobta ay ku dileen ugu yaraan illaa 7 xubnood oo kamid ahaa xubnaha Al-Shabaab ee loo diyaaryay weerarka la fashiliyay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hadda ku raad joogaan xubnaha kale, isla-markaana ay weli dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan agagaarka deegaanka Janaay Cabdalla ee Jubbada Hoose.
“Waxay hadda ciidamadu sii baacsanayaan haraadiga maleeshiyaada kooxda Al-shabaab oo ka firxaday howlgalka” ayuu yiri Taliye Carab Dheeg Axmed.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.
Jubbaland ayaa waxaa indhowaanahan howlgallo ka waday ciidamada Danab ee Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulkaasi, kuwaas oo jab xoogan lagu gaasiiyay Shabaab,
Jubbooyinka ayaa kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana hadda ku wajahan wajiga labaad ee dagaalka ay haatan waddo dowladda federaalka Soomaaliya.