Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgal culus ka saameeyeen aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin buuraha u dhexeeya deegaannada Yasooman iyo Aboorey, waxaana halkaasi jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka looga hortegay isku day weerar ah oo qorsheynayeen maleeshiyaadka argagixisada, kadib markii ay ka war heleen ciidamada Xoogga dalka iyo xaq-u-dirirka deegaanka.
“Howlgalkaan ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan Khawaarijta oo maalmahan si dhuumaaleysi ah halkaas ku joogay, iyagoo isku dayayay inay dib isu abaabulaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa sidoo kale lasii raaciya in ciiidamadu ay howlgalkaas kasoo hoyeen guul wayn, isla markaana ay Al-Shabaab ka saareen dhulka buuraha ee howlgalka laga fuliyay
“Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray howlgal qorsheysan oo ay maanta ka fuliyeen dhulka buuraha ah ee Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan. Ciidanka oo ka war helay xogta dhaqdhaqaaqa kooxda ayaa ugu dambeyn khawaarijta halkaas ka saaray” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya deegaannada howlgalka laga sameeyay oo in dhowaanahan ay isku hayeen labada dhinac.
Deegaanka Aboorey ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday dagaallo soo noq-noqday oo u dhexeeyay ciidamada huwanta iyo kooxda Al-Shabaab oo doonayso inay sii joogto deegaannada muhiimka ah ee gobolka Hiiraan.
Aboorey ayaa sidoo kale ah deegaan muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas jooga.
Si kastaba, xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada ay isku fidinayaan aagga degmada Buulo-burde oo ay hoostagaan deegaannada haatan howlgalka guuleysta laga fuliyay, isla markaana jabka lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.