Ciidamada DF oo howlgal ku dilay 10 ka mid ah Shabaab-kii go’doomiyey gobolka Bay

Buurhakaba (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay howlgal gaar ah oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, halkaas oo isbaaro ay u taallay kooxda Al-Shabaab.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 10 Shabaab ah oo isbaarada ku sugnaa, kuwaas oo go’doomin ku haayey gobolka Bay.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal Qorshaysan ka fuliyay Xarun ay ku sugnaayeen Khawaarijta oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla wadada xiriirisa Deegaanka Jameeco iyo Degmada Buur-hakaba,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Hawlgalkaas ayaa dhacay salaadii maqrib ee xalay, waxaana lagu dilay 10 ka mid ah maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee goobtaas lagu weeraray.

“Goobta hawlgalku ka dhacay waxay ahayd Isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadanaysay Lacago Baad ah, iyaga oo maalmihii danbe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan Shacabka ku nool Gobalka Baay,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda ka soo baxay.

Ugu dambeyntii waxaa qoraalkaan lagu yiri, “Hawgalku waxa uu kusoo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Warkaan ayaa imaanaya iyadoo shalay Al-Shabaab lagu laayey howlgal kale oo dhacay degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 100 Shabaab ah, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale howlgalka ka dhacay Buurhakaba wuxuu imaanaya xilli cunaqabateyn adag ay Al-Shabaab ku soo rogeen gobolka Bay, taas oo dhalisay qeylo dhaan iyo sicir-barar ka taagan magaalooyin ay ugu horeyso Baydhaba.

Dowladda Soomaaliya iyo K/Galbeed ayaa loogu baaqay inay deg deg cunaqabateynta uga saaraan dadka reer Baydhaba, waxaana muuqata in K/Galbeed uu bilowday qorshe looga hor tegayo cunaqabateynta kooxda.