Ciidamada dowladda oo la wareegay 15 tuulo kadib markii…

Janaale (Caasimada Online) – Faah-faahino dbeeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay guutada 14- Oktobar oo la wareegtay illaa 15 tuulo oo u dhexeeya magaalooyinka Janaale iyo Shalaanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Tuulooyinka ay la wareegeen ciidamada ayaa kala ah Kaaytooy, Mushaani, Majabto, Doonkaa daafeedow, Buulakamiirow, Buulajadiid,  Shufeeri, Doondheere, Cadceed, Malable. Buulanaaji, Buulaaruundi, Malable iyo Beeraha baay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

Sidoo kale ciidamada  sameeyay howlgalladan sifeynta ah ayaa cagta mariyay goobo kala duwan oo gabaadyo u ahaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo jira khasaare xoogleh oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, balse saraakiishu ma shaacin tiradooda rasmiga ah.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamada baaritaano ka wadaan gudaha tuulooyinka ay saakay howlgalada sifeynta ah kula jarmaadeen oo horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab, si looga xaqiijiyo amniga loogana hortago soo rogaal celinta Al-Shabaab.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca howlgallo iyo dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku sugan halkaasi.