Ciidamada Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay gudaha Soomaaliya

Baardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus, waxaana lagu soo waramayaa inay la wareegeen dhamaan garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo.

Garoomada muhiimka ah ee ciidamada Itoobiyaanka la saldhigteen ayaa waxaa kamid ah kuwa degmada Luuq, Doolow, iyo Baardheere.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in kumanaan askari oo ka socda Masar lagu beddelo ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya, oo ayagu jooga inta badan gobollada xaduudaha la’leh Itoobiya.

Itoobiyaanka ayaa haatan kalsooni ka haysata maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo horey si cad uga soo horyimid in ciidamada Itoobiya laga saaro deegaanadooda, xilli ay shaacisay dowladda Soomaaliya in aysan sii joogi doonin dalka haddii aysan ka laaban is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland.

Tallaabadan ayaa daba socot mid ay horey dowladda Itoobiya ay ciidamo badan oo gaashaaman ugu sool daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Tan ayaa imanaysa maalmo un kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar.

Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Itoobiya ayaa uga sii dari kara xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ee badda, kaas oo Itoobiya siinayay ogolaansho ay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya.

Is-afgaradkaas oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu meel xun gaarsiiyay cilaaqaadkii Itoobiya, ayada oo labada dhinacna ay si weyn usii kala fogaadeen.