ITOOBIYA oo faro-geliyay dagaalka LUUQ + Sawirro

Luuq (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuna sugan gobolka Gedo ayaa si toos ah u faro-geliyay dagaal beeleedka degmada Luuq, kadib markii ay dowlad goboleedka Jubbaland ku wareejisay amniga guud ee degmadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa door way ka qaatay sugidda amniga intii uu socday dadaalka nabadeed ee uu halkaas ka waday madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaga oo la wareegay amniga hoolka la’isugu keenay beelaha.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa haatan isku ballaariyay qaybo badan oo kamid ah degmada Luuq, si ay uga hortagaan dagaal mar kale ka dhaca gudaha degmadaasi.

Maxamuud Sayid Aadan oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta sadexaad ee howlgalka ATMIS Besfat Fente iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka ATMIS ayaa kala hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada amniga, howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagu ciribtirayo Khawaariijta iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay Jubbaland kasoo saartay shirkaasi.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in guddi gaar ah loo xil-saarayo soo qiimeynta hantidii lagu gubay Suuqa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayada oo uu guddigaas diyaariyo qorshaha lagu gacan-qabanayo Dadkaas.

Waxaa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in Dagaal Beeleedka ka dhacay Degmada Luuq lagu gubo Suuqa Degmadaas oo muhiim u ah Bulshada halkaas ku sugan maadaama aanay ka maarmin badeecaha lagu iibiyo oo safar fog loo galo.

“Waxa aad uga xunnahay Dadka Soomaaliyeed ee Suuqaas ku hanti beelay, in ka badan 320 Ganacsi in lagu gubay, waan garab taaganahay, labadeenna heer Dowladeed waxa aan codsanaynaa in aan la cidleyn Dadkaas oo la gacansiiyo, Guddi Ayaan u xilsaaraynaa si dib noloshooda gacan looga siin lahaa” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Xaaladda degmada Luuq ayaa haatan ah mid deggan, kadib dagalalo culus oo halkaas ku dhex-maray laba beelood, kuwaas oo iska dilay dad badan, iskana gubay goobo ganacsi.