Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhex qarxay SSC-Khaatumo iyo Somaliland

Buuhoodle (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ciidamada Soamliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray  duleedka magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay isku dayeen inay gudaha u galaan deegaanka Qorilugud oo hoostaga Buuhoodle, balse waxaa ka hortegay ciidamada SSC oo halkaas difaac adag uga jiray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

SSC oo ka hadashay dagaalkan waxa ay sheegtay inay ka hortegtay weerar uga yimid dhanka Somaliland, isla markaana ay haysat xogtiisa, sidaasina ay ku fashilisay.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland, kuna daadan dagaalkaas iyo eedeynta ay u jeedisay SSC-Khaatumo.

Maalmihii lasoo dhaadafay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka waday aagga magaalada Buuhoodle oo ah halka uu xalay ka dhacay dagaalka.

Si kastaba, dagaalka u dhexeeya SSC iyo Somaliland ayaa in muddo ah hakad ku jiray, balse labada dhinac ayaa hadallo kul-kulul isku marinaya dhanka warbaahinta.