Ciidamada xasilinta iyo kuwa kale oo dagaal culus ku dhex-marayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal qaraaran ayaa waxa uu ka socdaa Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kaa oo u dhexeeya ciidamada xasilinta Muqdisho iyo Maleeshiyaad hubeysan oo kuwa deegaanka ah.

Dagaalka oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa waxa uu soo gaaray Saakay, waxaana iminka la maqlayaa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan dagaalka.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada xasilinta ay weerar ku qaaden maleeshiyaad hub ku heystay Degmada kuwaa oo sameeyay iska cabin isku rogtay dagaal toos ah.

Maleeshiyaadka lagu qaaday weerarka ayaa isku uruuriyay halka loo yaqaan Haanta dheer oo ka tirsan Degmada iyagoo ilaa iyo saaka ka dagaalamaaya halkaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dadka deegaanka.

Qeybo kamid ah Degmada ayaa waxaa weli laga maqlayaa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo.

Waddooyinka gala Degmada Dayniile iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa sidoo kale dhooban ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ay leedahay dowlada kuwaa oo ka hortagaaya gurmad maleeshiyaadka gaara.

Sidoo kale, dadka ugu badan ee uu khasaaraha gaaray ayaa la soo sheegayaa inay yihiin kuwo shacab ah oo ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Ilaa iyo hadda ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalka waxaana weli socda rasaas culus.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com