Ciidanka amniga oo qabtay nin qarax aasayay kadib howlgal ka dhacay…

Baraawe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu soo qabtay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada NISA, qaybta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka oo ka dhacay halkaas ayaa lagu soo qabtay ninkan oo ku howlanaa diyaarinta weerar qarax ah.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ninka lasoo qabtay uu qarax miino ku aasayay gudaha magaalada, balse ay kortageen, kadibna ay gacanta ku dhigeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ujeedkiisa uu ahaa in qaraxaas uu ku dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.

Laamaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in weli baaris ay ku hayaan eedeysanaha, isla markaana ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Waxaa kale oo ay ciidamadu ku guuleysteen inay qarxiyaan miinada, iyada oo aan gaysan wax khasaare ah, sida laga arki karo muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan ka dhacay Baraawe ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi oo ah caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.