Ciidamada dowladda oo maanta gacanta kusoo dhigay Shabaab ku dhuumanayay…

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Shabaab ku dhuumaaleysanayay deegaanno hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Sh/Dhexe.

Howl-gal ay ciidanka ka sameeyeen deegaannadaasi ayaa waxaa lagu soo qabtay Cabdullaahi Macallin Cusmaan (Ilyaas), kaasi oo ku dhuumaaleynaysay halkaasi.

Ilyaas ayaa kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa ku dhawaad laba sano, waxaana ugu dambeyntiina uu maanta soo galay gacanta ciidanka dowladda ee aagga Ruun-nirgood.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku sugan Ruun-nirgood iyo aageeda, waana dhul howd ah oo kooxda ay aad u jeceshahay marar badana ay ciidamada dowladdu kula dagaaleen.

Degmadaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayaa kamid noqotay magaalooyinkii ay sanadkii tegay dib uga baxeen ciidamada dowladda oo ka gadooday hoggaan xumada ciidanka.

Marar badan ayey Al-Shabaab ciidamada dowladda ku soo weerareen Ruun-nirgood oo ah degmo istaraatiiji ah, waxaana socd qorshaha guluf cusub oo la doonayo in aagga degmadaas looga nadiifiyo kooxda.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.