Cosoble oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh kadib markii ay suurta-gali waysay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo soo noqday musharax Madaxweyne ayaa warqad furan u qoray Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo isugu daray cabasho iyo talosiin.

Cosoble ayaa sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay uu dhowr jeer isku dayay inuu la xiriiro Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo raadinayay ballan kulan rasmi ah, balse uu ku guul dareystay inuu helo.

Sidoo kale wuxuu xusay inuu la xiriiiray dhallinyarada Madaxweynaha la shaqeysa, balse uusan helin wax jawaab ah.

“Maadaama aan si hoose kuugu soo gudbin kari waayey baaqeyga, waxaan ku qasbanaaday inaan si daahfuran ah kuugu soo gudbiyo,” ayuu yiri qoraalkiisa ku bilaabay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

Xildhibaanka ayaa warqadiisa ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay horay uga wada tirsanaayeen midowgii musharraxiinta ee ka horyimid isku daygii fashilmay ee muddo kororsigii madaxweynihii hore Farmaajo.

“Mudane Madaxweyne, sax ma aha in aad ku indho adeegto wixii adiga iyo anaga oo badan aan ka diidnay madaxweynihii hore, taasoo aan wada ognahay in ay noo horseedi karto burbur cusub iyo waddanka oo yeesha dhowr Madaxweyne,” ayuu yiri Cosoble.

Xildhibaan Cosoble ayaa soo jeediyay tallooyin badan oo uu ku doonayo in dalka looga badbaadiyo jahawareerka siyaasadeed ee uu dhex-maquuranayo.

Waxa uu ku booriyay Madaxweynaha inuu ka laabto uruurinta awoodda dalka ee halka gacan ku urursan iyo inuu qabto shir qaran oo degdeg ah oo ay ka qaybgalayaan dhammaan saamileyda siyaasadda.

Cabdulqaadir Cosoble ayaa madaxweynaha kula taliyey inuu raadiyo Jubbaland iyo Puntland oo gogosha uu fidinayo ku soo daro, si loo mideeyo dagaalka argagixisada iyo in la hubiyo in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay.

Talooyinka la siinayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isisoo taraya, waxaana dhowaan u bilaabanaya sanadkii ugu dambeeyey ee muddo xileedkiisa oo sida caadiga ah ay siyaasiyiintu bilaabaan mucaaradnimo iyo hadalo adag oo siyaasadeed, si siyaasi kasta uu u hanto shacbiyad uu ku gaari karo maqaam madaxtinimo.