Cumar C/rashiid oo ku baaqay in loo midoobo arrin dalka uusan horay uga socon karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa soo saaray baaq cusub.

Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in dowladda federaalka Soomaaliya lagu taageero dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda looga xoreynayo dalka.

“Al-Shabaab waxay khatar ku tahay jiritaankeenna, waana inaan ku taageernaa dowladda dadaalka ay ugu jirto ciribtirka khatartaas,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo laba mar soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Sida cad, dib-u-habaynta xeeladaha iyo ciidamada waa lagama maarmaan, laakiin waa inaan sidoo kale qirno shaqada wanaagsan ee ay ciidamadeenna xoogga dalka iyo kuwa difaaca madaniga ay ka qabteen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dalka uusan horay u soco karin haddii aan la soo afjarin kooxaha argagixisada, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shacabka ay sii wadaan taageerada dagaalka.

“In la guuleysto waxay dan u tahay dadka iyo dalka, sidaa aawadeed waxaan ku boorinayaa shacabka in ay garab istaagaan dowladdooda,”ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Baaqa ra’iisul wasaarihii hore ayaa imaanaya maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ay ku baaqeen in la taageero dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ayaa si dardar leh ku socda, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Dhuusamareeb u saldhigtay dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka, si loo bilaabo wejiga xiga oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.