Cumar Cabdirashiid oo uga digay dowladda Xasan in hal arrin ay ka ogolaato Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iiusl wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka digay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay aqbasho in Itoobiya ay xuquu ka hesho dhul badeedka Soomaaliya.

Waxa uu si gaar ah uga digay in madaxda Soomaalida ee ku sugan Ankara in heshiis kasta oo lala galo Itoobiya uusan ku jirin ama soo jeedin in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato biyaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay dadaalka dowladda Turkiga ay ku dooneyso soo afjarida wuxuu ugu yeeray “gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

“Waxaan bogaadineynaa dadaalka Turkiga waxaana rajeyneynaa in aan aragno soo afjarida gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Laakiin, heshiis aan lala gelayn Itoobiya waa in uu ka dhigan yahay ama micneheedu yahay saldhig ciidan ama xuquuq madax-bannaan oo lagu galo baddeena,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda federaalka Soomaaliya waa inay raadisaa talo-bixin khubaro ah oo ku aadan wada-hadallada (haatan socda).”

Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay uu magaalada Ankara ka bilowday wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga oo dadaal badan ku bixineysa sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya labada dal.

Turkiga oo dhinacyad isku soo jiidaya ayaa dhawaan sheegay in xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa lagu soo afjari karo in Itoobiya ay galaangal u yeelato biyaha Soomaaliya, iyadoo ixtiraamaysa madax-bannaanida Soomaaliya.

Middan ma diidana Soomaaliya, balse waxay kasoo horjeeda in qeybo kamid ah baddeeda la siiyo Itoobiya, waxa uuna kal hore sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in dowladdiisa aysan diidaneyn in Itoobiya ay baddeena uga faa’iideysato hab ganacsi oo keliya, sida ay Itoobiya usoo gaarto badda caalamiga ah.