Daawo: Arday imtixaanka maanta billowday ku galeysa xabsiga – Maxaa dhacay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada maamulka Somaliland maanta waxaa si rasmi ah uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaanada maamulkaasi, kaas oo uu daah-furay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Imtixaanka ayaa waxaa sanadkan ka qayb-galaya illaa 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 arday oo dugsiyada hoose/dhexe ah, waxaana lagu gelayaa 129 goobood oo dalka oo dhan ah, sida ay shaacisay Somaliland.

Waxaa sidoo kale ardayda maanta u fariisatay imtixaanka kamid ah laba arday oo ku jira xabsiga wayn ee Gabiley, kuwaas oo xabsiga loogu geeyay imtixaanka, sida uu shaaciyay taliyaha xabsigaasi Khaalid Sheekh Xuseen Nuuriye oo la hadlay warbaahinta.

Taliyaha ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen guddiga waxbarashada, kadibna ay ka aqbaleen in labadaas arday imtixaanka loogu geeyo xabsiga, iyaga oo xiran.

“Imtixaanka shahaadiga ah ayaa maanta billowday saas daraadeed waxaan la xiriirnay guddoomiyaha waxbarashada Jaamac Raage oo runtii kal horana nagala shaqeeyay labadan maxabuus oo midna Wajaale ah, midna Hargeysa uu yahay waxbarashadoodana waa sii wataan oo maanta waxay u fariisteen imtixaanka” ayuu yiri taliyey xabsiga Gabiley.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xaq u leeyihiin imtixaanka, uuna u ogolaanayo sharciga, iyaga oo fududeeyeen, sida sheegay taliye Khaalid.

“Xaq waa u leeyihiin inay xabsiga kusii dhex wataan waxbarashadooda, waayo waxaa na faraya sharciga annaga oo dabaqeysa shuruucda xabsiga” ayuu sii raaciyay.

Dhankiia guddoomiyaha waxbarashada gobolka Jaamac Raage oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in markii labaad ay tahay in arday xiran imtixaanka looga qaado xabsiga Gabiley, wuxuuna arrintaas si gaar ah ugu amaanay taliska ciidamada ee gacanta ku haya.

“Taliyaha Jeelka haysta ee Gabiley waa markii labaad ee uu suurageliyay inaan arday kaga qaadno imtixaanka iyaga oo xiran, labadan arday waa fasalka 8-aad” ayuu yiri Jaamac.

Si lamid ah imtixaanaadka shahaadiga ah waxay maanta uga bilowdeen koonfurta, kawaas oo ay u fariisteen in ka badan illaa 37 kun oo arday, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.