Daawo: Axmed Madoobe oo DF iyo dowlad goboleedyada shir muhiim ah uga furay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Aqalka Martida ee magaalada Kismaayo ka daahfuray madasha hoggaaminta wax ku-oolka ah ee bahda cadaaladda Dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la kobciyo tayada hay’adaha cadaalada, maadaama ay yihiin saldhigga ugu muhiimsan ee dowladnimada, loona baahan yahay in heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS ay si siman u noqdaan kuwo leh awoodahooda gaarka ah, gaari karana go’aano wax ku ool ah oo ku dhisan sharciga dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in dacwadaha ka jira dadka dhexdiisa ay go’aan ka gaari karaan hay’ado garsoor oo madax-banaan, isla markana aan qabin baahiyo saamayn kara go’aamada ay gaarayaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka xukunka iyo cadaalada u baahan ay marar qaar isku dayaan in la dadajiyo kiisaskooda, taas oo sababi karta in musuq ay ku dhacaan hay’adaha cadaalada, si gaar ahna maxkamadaha, si taas looga fogaadana loo baahan yahay in maxkamadaha dalka ay si weyn u darsaan kiisaska ay go’aanka ka gaarayaan.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in madashan ay shacabka Soomaaliyeed ka filayaan inay kasoo baxaan go’aano wax tar leh oo wax weyn ka bedelaya hay’adaha cadaalada dalka shaqada ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

Madasha oo socon doonta mudo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qeygalaya Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha Dastuurka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo wasiirrada cadaalada ee dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Gudoomiyayaasha maxkamaddaha Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, xeer ilaaliyayaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, Taliyahaasha Ciidamada Asluubta ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ka soo qeyb galay shirka uu maanta Kismaayo ka furay madaxweyne Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo