Daawo: Booliska oo soo bandhigay hubkii ugu badnaa iyo ragii watay, soona saaray amar culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo lagu dhaqan gelinayo barnaamijka xasilinta caasimadda iyo loogana hor tegay ka ganacsiga hubka sharci darrada ah.

Taliye Macalin Mahdi ayaa sheegay in howlgallo muddo socday lagu soo qabtay hub sharci darro ah iyo raggii ka ganacsa jiray, isagoo soo bandhigay tirada qoryo lagu soo qabtay howlgalkaan.

“Howlgalkaan 72 saac ayuu socday ayaa lagu soo qabtay 36 qori oo afar ay tahay BKM, kuwaas oo si sharci darro ah looga ganacsanayey, sidoo kale waxaan soo qabanay rasaas aad u badan,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa sheegay in hubkaan uu khatar ku ahaa amniga caasimadda, isla markaana laga iibi jiray dadka ka shaqeeya amni darada iyo kooxaha argagixisada ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Halka aan ka imaanay iyo halkaan u socono waxaa dhow halkaan u socono gadaal uma noqon doono, qofkii hadda kadib ku howlan arrintaan waxaan u cadeynayaa in gacanta ciidamada amaanka uusan ka badbaadi doonin,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa aad ugu goodiyey in hadda kadib ay aad u beegsa doonaan hubka sharci darada ah, dadka ka ganacsada, kuwa dalka soo geliya iyo guryaha lagu hayo, intaba.

”Hub sharci darro ah laguma arki karo guri masuul leeyahay. Hub sharci darro ah ayaa la soo qabtay, ogaada Qof kasta ee ka ganacsada hub wuxuu lamid yahay Al-Shabaab” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Hoos ka daawo