Daawo: Gaas oo dagaalka Al-Shabaab ka soo saaray baaq ku socda seddax garab

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray farriin ku socota seddax dhinac, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab.

Farriinta koowaad wuxuu Cabdiweli Gaas u diray culimada Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday inay ku celceliyaan wacyi-gelintooda, si dhalinyarada ay qaldayaan looga badbaadiyo diin la’aanta Khawaarijta.

Wuxuu qiray in culimadu dadaashay oo isugu timid shirweyne ay uga fadwoodeen Khawaarijta, balse hadda wuxuu ku sii adkeeyey inay joogteeyaan radinta, tusaaleynta qaladaadka diimeed ee Khawaarijta iyo wacyigelintooda bulsho, si looga badbaado afkaar kasta oo xagjirnimo u jiheen karta jiilka soo koraya.

Farriinta labaad wuxuu Cabdiweli Gaas u diray ganacsatada Soomaaliyeed, “Ganacsatada waxaan ugu baaqayaa inay jeebkooda furaan, waa inaad dhaqaalihiina ku taageertaan dagaalka Khawaarijta, sababtoo ah cida ugu faa’iidada badan hadii amni la helo waa ganacsatada,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Farriinta 3-aad ee ugu dambeysa wuxuu Cabdiweli Gaas u diray siyaasiyiinta, “Waxaa laga rabaa siyaasiyiinta inta wax kasta meel la iska dhigo in dagaalka Khawaarijta loo midoobo, anaga oo Soomaali ah oo mideysan ayaan ka guuleysa karnaa Al-Shabaab, laakiin hadii aan kala qeybsano waa naga guuleysanayaan,” ayuu yiri Cabdiweli Cali Gaas.

Ugu dambeyntii Gaas wuxuu rajo weyn ka muujiyey in goor aan dheereyn laga guuleysa doono Khawaarijta Al-Shabaab, “Sida aan u hubo inaan dhimanayo ayaan u hubaa in waqti dhow aan Shabaab ka guuleysa doono, waxaa ii muuqata in meesha ugu dambeysa ee aan gaari doono ay noqoneyso ‘Shabaab oo laga guuleystay iyo Soomaali oo midowday,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Hadalka Gaas ayaa ku soo aadaya iyadoo Soomaaliya uu ka bilowday olole siyaasadeed oo xoog leh oo lagu taageerayo dagaalka Al-Shabaab, inta badan waxaa soo hashay siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo xaqiijiyey inay dowladda iyo shacabka ku garab taagan yihiin dagaalka.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa maalmahaan aad u tebineysa shirar jaraa’id oo siyaasi kasta uu ku qabtay meesha uu joogo, si uu u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan ololaha lagu taageerayo dowladda iyo shacabka oo dagaal adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.

Hoos ka daawo