DF oo qaaday tallaabo culus la xiriirta weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale o oculus, wuxuuna shaqada ka joojiyey oo baaritaan u diray Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Daahir Cabdulle Raage, talaabadaan ayaa salka ku heysa weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe maalin ka hor.

Taliyaha ayaa Xabsiga Dhexe si ku meel gaar ah ugu magacaabay sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed, Sidoo kale Taliska Asluubta ayaa ka tacsiyeeyey wixii dhacay 13-kii bishaan.

Dhinaca kale, Taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa magacaabay guddi baaris oo dhinacyo badan leh, kuwaas oo warbixin ka keeni doona sidii uu u dhacay weerarkii Xabsiga Dhexe.

Guddiga baaritaanka kiiskaas loo xil-saaray waxaa guddoomiye looga dhigay Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed, iyadoo ku xigeen looga dhigay G/Sare Xasan Kulmiye, dhamaan xubnaha guddigaan ayaa ah saraakiil ciidan.

Saraakiisha soo baareysa kiiskaas ayaa ka kala tirsan Booliska, Asluubta iyo maxkamadaha ciidamada, waxaana bilaabatay barista kiiskaas oo ahaa mid aad looga argaagaxay khasaare badana geystay.

Shan maxbuus oo kuwii weerarka fuliyey ah ayaa la dilay, halka ayaguna ay dileen 3 askar, sidoo kale waxaa dhaawacmay 18 maxbuus iyo 3 askari, xaaladda xabsiga ayaa qalqal gashay, muddo saacado ah.

Ragga weerarka geystay dhamaantood waxay ku xukunaayeen dil toogasho ah, waxayna ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse waxay isku dayeen inay baxsadaan.

Baaritaanka socda waxaa lagu ogaanayaa sidii ay hubka ku heleen ragaas oo ku xiraa qeybta dadka ku eedeysan denbiyada culus ama dil sugayaasha ah.

Hoos ka daawo