Daawo: DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo cajiib ah, dal kalena ku celisay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan raashin dhacay oo dhowaan lagu qabtay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo gudbiyo suuqyada Muqdisho, si loo iibiyo.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay inuu dhacay, wuxuuna gaarayay illaa 7 kunteenar.

Intaas kadib waxaa kiiskan la wareegay xafiiska xeer ilaaliyaha oo baariis dheer kadib caddeeyay in Burkan uu yahay mid dhacay, wuxuuna kasoo saaray go’aan culus.

Xeer ilaaliye Mustaf oo dekedda kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in la go’aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga.

“Baaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go’aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay” ayuu yiri xeer ilaaliye Mustaf.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaalinayay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in warbixin baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay.

“Dukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, lala wadaagaayo safaaradda Turkiga” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo la go’aamiyay in shirkadda keentay Burkan dhacay magdhow ahaan looga qaado lacagtii ka baxday ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu soo qaldan badeecaddaasi.

Ugu dambeyn hay’adda Taya-dhowrka iyo Xeer ilaalinta ayaa digniin culus u diray guud ahaan ganacsatada, waxayna sheegeen in tallaabi laga qaadi doono cid kasta oo raashin dhacay dalka usoo dhoofiso, maadaama uu halis ku yahay nolosha dadka Soomaaliyeed,