Daawo: DF oo si yaab leh u qabatay dumar badan oo Al-Shabaab ah oo u socday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaasaskii Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada Soomaaliya, kadib markii la qabtay iyagoo u safraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Lix dumar ah iyo ninkii la qorsheeyey inuu ka dhoofiyo Muqdisho ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda, kadib markii xogtoodu fashilantay oo ciidamada amniga ay qabteen.

5 kamid ah gabdhahaan waxaa la xaqiijiyey inay u socdeen raggii qabay oo Shabaab ah, kuwaas oo jooga degmada Ceebuur, halka gabadha lixaad ay u socotay walaalkeed oo Shabaab ka tirsan Ceelbuurna jooga.

Maxamed Hilowle oo Shabaab u qaabilsanaa kala furdaaminta howlaha ay uga baahdaan Muqdisho ayaa lala soo qabtay dumarkaan, isagoo gaari ka saaraya Isgoyska Siinaay, degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa soo jeedisay in xubnaha qaar la ciqaabo, qaarna dhaqan celin loo sameeyo, iyadoo lasoo bandhigay xogta safarkooda iyo qorshihii socday ee la fashiliyey.

Guddoomiye Shuute ayaa toos u wareystay Gabdhanahaan, waxayna sheegeen inay ka yimaadeen deegaanada Koonfur Galbeed, sida Degmada Qoryooley iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bay.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka hor sheegtay in labo kamid ah gabdhahaan u socday Al-Shabaab aysan qaan gaarin, ugu yaraan 2 gabdhood oo aan qaan gaarin ayaa u socday Ceelbuur, iyagoo xaas u ah xubno ka tirsan Al-Shabaab, taas oo layaab ku noqotay dadkii kasoo qeyb galay fadhiga maxkamadda.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale maxkamadda ka codsatay in ciqaab adag la marsiiyo Maxamed Hilowle oo toos ula shaqey jiray kooxda Al-Shabaab. Gabdhahaan waxaa Shabaab ku daray waalidkood, sida laga hor sheegay maxkamadda.

Hoos ka daawo