Daawo: DF oo soo qabatay rag Shabaab u diyaariyeen in ay ka howlgalaan Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta lasoo taagay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo loo diyaariyey ka dagaalamaan deegaanada Somaliland, balse fashilmay oo soo galay gacanta hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ragaan oo gaaraya 4 ayaa lagu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo, waxaana la hor keenay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya, iyagoo qoraal ah.

Waxaa ku jira nin oday ah oo Ugaaska ay u bixiyeen, kaasi oo dalka Jarmalka uga yimid inuu ku biro Al-Shabaab, Ugaaska ayaa Al-Shabaab ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland.

Xubnahaan ka tirsanaa Al-Shabaab waxay ka soo kala jeedaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, meel kala duwan oo koonfurta Soomaaliya ah ayey tababaro ku soo qaateen, aagga Jilib ayey dhowr sano joogeen, waxaana loo diyaarinayey sidii ay Somaliland uga fuli lahaayeen falal argagixiso.

Cabdikariin Ibraahim Cilmi, waxay Shabaab u magacaabeen Ugaaska beeshiisa Isaaq, waa nin oday ah oo ka yimid dalka Jarmalka, wuxuu sheegay inuu yahay cuuryaan, waxaana loo magacaabay guddoomiyaha degmada Burco.

Guddoomiye Shuute ayaa wareysi dheer la yeeshay Ugaaska, isagoo weydiiyey su’aalo adag muddo 10 daqiiqo ah, ninkaan ayaa sheegay in jaceylka uu u qabo kooxda uu uga yimid Jarmalka, balse waxaa lagu qabtay Muqdisho isagoo dhuumaaleysanaya.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo muujinaya in qaar ka mid ah ragaan ay tashkiilanayeen bulsho ka badqabta fikirka guracan ee Khawaarijta, sidoo kale waxay qirteen in magaalooyin kala duwan ay tageen, iyagoo faafinaya fikirka argagixisada.

Qaar kamid ah ragaan waxaa lagu qabtay Gaalkacyo iyagoo u socda Somaliland, magaalooyinka ay ku kulmeen waxaa ka mid ah Beledweyne, fariimo ay u direen gabdho ay shukaansanayeen oo xambaarsan fikirka argagixisada ayaa lagu soo bandhigay fadhiga maxkamadda.

Hoos ka daawo