Daawo: DF oo xal kama dambeys ah ka soo saartay cabashadii Bajaaj-leyda

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta yeesheen maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Gaadiidka iyo tan Maaliyadda ayaa lagu fududeeyey habraacyada qaadashada ruqsadda wadista Mooto Bajaaj-ta ka howlgasha Muqdisho, kadib saddex maalmood oo banaanbax ay dhigayeen dhalinyarada ku shaqeysata Bajaaj-ta.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo garbihiisa ay taagan yihiin duqa Muqdisho iyo wasiirka gaadiidka ayaa qabtay shir jaraa’id oo lagu shaaciyey in la dhimay lacago aad u badan oo laga qaadi jiray Bajaaj-leyda Muqdisho.

Qiimaha Leesinka ama ruqsada Mooto wadista ayaa laga dhigay 106.5 dollar, sida uu shaaciyey afhayeenka gobolka, halka markii hore ay Bajaaj-leydu ka cabanayeen in la gaarsiiyey $300, taas oo ah lacag aad u badan.

Sidoo kale waxaa la dhimay qiimaha adeegyo kala duwan oo loo sameeyo dhalinyarada bilaabeysa mooto wadista iyo kuwa uu ka lumo sharcigooda, iyadoo loo tilmaamay sida loogu xalinayo culeysaadkooda.

Arrinta ugu muhiimsan ee Leesinka, markii laga soo tago qiimaha la dhimay, waa in la kordhiyey waqtiga dhicitaankiisa, markii hore wuxuu ahaa 3 sano, balse hada waxaa laga dhigay 5 sano.

Arrintaan ayaa ka dhalatay cabasho xoog leh oo dhalinyarada Mooto Bajaaj-ta ka timid, waxaana xalkeeda soo gaaray hey’adaha dowladda oo ay quseyso kuwaas oo kulamo kala duwan ka yeeshay.

Waxaa jira guddi ay soo xulatay Bajaaj-leyda Muqdisho, kuwaas oo door ku lahaa go’aanada la gaaray, waxaana lagu balamay in banaanbax dambe uusan ka dhicin caasimada, Bajaaj-lihii qalad ka gala sharcigana loo ganaaxo.

Sidoo kale, waxaa Bajaaj-lihii sharci la’aan ah ganaaxi kara ciidanka Taraafikada, waxaana la cayimay lacagta ganaaxa oo laga dhigay $5 kaliya.

Hoos ka daawo