Daawo: FIQI oo shaaciyay arrin ay kala hadleen wafdiga IGAD oo la xiriirta Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in wafdiga IGAD ee uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta Workneh Gebeyehu ay kala hadleen xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya.

Wasiir Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay wafdiga ka socda urur-goboleedka IGAD ay Muqdisho ku yimaadeen casuumad ay fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay wada-hadallo gaar ah ula yeesheen madaxda sare ee dalka.

“Wafdiga maanta noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya isku hayaan,” ayuu yiri wasiir Fiqi oo sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimaha mandiqadda ee ku saabsan nabad-gelyada bulshada, siyaasadda, iskaashiga gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wafdiga uu horkacayo xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh ay ka hadleen arrimaha ay salka ku hayso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo ah is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland la galay Abiy.

“Shacabka Itoobiya dhibaato nagama dhaxeyso, laakiin nidaamka dalkaas ka jira ayaan wax isku diidnay, waxa aan rajeyneynaa waxa gobolka yaallo iska xalismo oo caqliga soo laabto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Fiqi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay wasiirka in wafdiga ay isla garteen in Soomaaliya laga sameeyo xarunta dhaqaalaha baluugga ah (Blue Economy center) ee hoos tagta IGAD, maadaama uu dalkeenna kamid yahay waddamada Afrika ugu xeebta dheer, islamarkaana looga faa’iideeyo dhammaan waddamada gobolka.

Si kastaba, Wafdiga sare ee IGAD ka socda ee maanta imaaday Muqdisho ayaa sidoo kale waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda sare ee dalka oo ugu sarreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo muuqaalka