Daawo: Fiqi oo si adag uga hadlay canshuurta la sheegay in gobolka uu soo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay guuxa dadweynaha oo ka dhashay canshuurta ay ka cabanayaan dadka reer Muqdisho, gaar ahaan diiwaan-gelinta uu bilaabay maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in waxa la sheegay aysan jirin suurtagalna aysan aheyn arrintaas, isla markaana sida wax loo sheegay aysan waxaba u jirin.

Fiqi ayaa sheegay inay dowladu keentay qalab lagu tirakoobi doono dadka Soomaaliyeed, iyadoo aan loo kala saareynin degmo ama gobol.

“Hadda sida ay wax ku socdaan sax maaha, ma jirto qof sanad kasta dhalata, hadana mar kasta waxaa qofka waajib looga dhigay in sanad kasta uu sameysto warqad dhalasho, warqad dhalasho miyaa dhacda? Waxaa la rabaa tii halmar aad soo jaratay inaad mar kasta isticmaasho,” ayuu yiri Fiqi.

Kulanka uu ka hadlay wasiir Fiqi ma joogin maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna ku dhaliilay sababta ay uga maqan yihiin dadkana aysan faahfaahin u siineyn.

“Maamulka gobolka waa inay saxaan wixii qaldan dadkana la hadlaan, halkaan inay yimaadaan oo dadka u cadeeyaan in qof dhashay, meyd, aroos iyo qudbasiro aan canshuur gaar ah laga rabin, hadii laga rabana ay sabab u yeelaan, kuna qanciyaan shacabka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay ku filan tahay shaqada diiwaan gelinta dadka, isagoo xusay in carruurta dhalaneysa diiwaan gelintooda ay mushkilad ka taagan tahay, balse dadka waaweyn aysan dhib badneyn.

Hoos ka daawo