Daawo: Fowsiya oo diiday tanaasul, kashiftayna sida ay Xasan iyo Xamza uga hiiliyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa markii ugu horreysay ka hadashay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka, xilli ay u tartameyso kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika.

Fowsiya oo warbaahinta la hadashay ayaa diiday inay ka tanaasusho kursigaasi, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga har tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato”.

Inkasta oo Fowsiya ay qirtay in markii hore uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha garab taagnayeen, balse ay gadaal iska beddeleen wax walba si lama filaan ah.

“Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah usoo galay,” ayey tiri.

Fowsiya ayaa sheegtay in markii ay weydiisay sababta Soomaaliya uga hareyso jagadaasi muhiimka ay u sheegeen inuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka codsaday inay uga harto, si uu isagu usoo sharaxo wasiirkiisa arrimaha dibadda.

“Muddo markii aan doodda wadnay oo dhamaan ay ku adkeysteen in aan haro waxaan isku dayay in aan garnaqsado, gubaabiyo oo uga waramo danta weyn ee kursigaas ugu jirta umadda.”

Waxay intaas kusii dartay “Waxaa madaxda weydiiyay waxa lagu beddeshay magaca Soomaaliyeed si aan ugu qanco, arrintaasi la igama jawaabin. Waqti dheer iyo dood badan kadib odayadii go’aankooda ayey ku adkeysteen ana marka waxaa ka codsaday in aan 10 maalmood oo soo fikiro la isiiyo, anigoo islahaa waxba iska beddeli doona.”

Waxay ku dheeraatay faa’iidada Soomaaliya kursigan u leeyahay, ayada oo diiday inay u tanaasusho Soomaaliya, “Midowga Afrika wuxuu ku dhow yahay Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, waxaana dalka usoo hoyanaya maamuus, lagamana yaabo in aan ka tanaasulo musharaxnimada kursigaas.”

“Lama arag tartame ama dal lagu qasbo inuu tartanka uga haro qeyrkiis, markaa intaas oo dhan eegay waxay ila noqotay in aan ka tanaasulin kursigaas, maadaama horey la igu amray in aan u tanaasulo dowlad kale 2016-kii,” ayey tiri Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegtay in hanka kursigan uu ku dhashay sanado hore, balse uu horey uga hor istaagay madaxweyne Xasan Sheekh kal xukunkiisi hore, uuna hadda markale dhabarka ka jabiyay, sida ay sheegtay.

“Madaxweyne Xasan wuxuu ku adkeystay inuu codkiisa Kenya siinayo oo aan waqti iskaga lumin, waa la qaatay markaas arrinka oo waxaa goostay in aan sugo doorashada dambe ee sanadka 2025, waxay noqotay in aan siddeed sano kale sugo oo dib isku soo sharaxo waqtigan himika ah.”

Xildhibaan Fowsiya marka lala barbar dhigo musharaxa ay Jabuuti wadato waxaa la aaminsan yahay in aysan ka liidan, haddiiba aanay meelo badan iyadu ku horeynin.

Waa ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, aas-aase Jaamacaddeed, mid warbaahineed iyo haweenay wax badan ka beddeshay nolosha bulsho badan oo danyar ah.

Waxay leedahay waayo-aragnimo ay ku geyso kursigaan. Dad badan ayay la-yaab ku tahay inuu Xasan Sheekh ku dhiiran waayay in kursigan u raadiyo dalkiisa, in uusan ku beddelan wax cad ah oo qaranka dan u ah marka laba reebo waxa shaqsiga ah ee isaga iyo Ismaaciil Cumar Geele ka dhaxeeya iyo inuu diidmadiisa la yimid mar Fowsiya waqti, kharash iyo han badan galay.

Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.