Daawo: Xildhibaan Jeesow oo dood culus ka keenay canshuurta ay soo rogtay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay kulanka baarlamaanka ayaa dood wayn ka keenay canshuuraha iibka (Sales Tax) oo haatan dowladdu ay bilaabeyso qaadisteeda, taas oo noqoneyso 5%, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ka horyimid arrintan, wuxuuna tilmaamay in dhibaato horleh ay ku tahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri canshuur laga qaadayo lacagaha taleefoonada la’isugu diro sida EVC, eDahab ama lacagaha kale ee qaabka Wallet-aka ah.

“Waxaan arkaayay Wasiirka Maaliyada oo leh EVC-ga ayaan canshuur ka qaadayaa, hal doolar oo aan qof u diray ayaa canshuur layga waydiinaaa aniga maxay tahay taas micnadeeda?” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray  “Waxaa la rabaa inaan u ekaano dowlad ee ma aha inaan u ekaano NJO-yo isu yimid waa inaa noqonaa qaran jira oo ay u kala saaran yihiin sax iyo qalad”.

Arrintan ayaa waxa qeyb ka tahay dadaalka dowladda ee sare loogu qaadayo dakhliga gudaha, si loo gaaro isku filnaan dhaqaale oo ay gaarto Soomaaliya.

Wasiir Biixi Imaan Cige wuxuu hoosta ka xariiqay in qorshahan oo muddo dheer soo socday hadda la dhammeystiray, isaga oo la wadaagay shirkadaha isgaarsiinta iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya lacag dirista.

“Waxaan rabaa maanta dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba gaar ahaan shirkadaha bixiya adeegga is gaarsiinta iyo adeegyada lacag dirista intaba aan rabaa inaan la wadaago in uu dhaqangeli doono hannaan casri ah oo wasaaradda maaliyadda ay muddo ku howlanayd oo ay ka shaqeyneysay oo soo dhameystirmay” ayuu yiri wasii Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in system-kan cusub oo ay yeelatay dowladda uu suuragelin doono inay goosato canshuuraha ka dhasha iibka ee Electronica ah.

“Hannaanka ayaa soo dhameystirmay wuxuuna wasaaradda u suuragelin in doonaa in canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah meel kasta oo dhaq-dhaqaaq iib ama gadasho ka dhaco oo hannaankaa ku dhaca inay dowladdu hadda yeelatay system iyo hannaan casri ah oo lagu daba galo lagu goosto canshuurta” ayuu sii raaciyay wasiirku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sida xeerka ina farayo canshuurta iibka ee hadda sharciga ina farayo waa 5%, waana marka la babar dhigo dalalka gobolka aan ka tirsanahay”.

Arrintan ayaa durbo dhalisay walaac xoogan, waxaana si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada, maadaama ay tallaabadan saameyneyso qof kasta oo wax ku iibsanayo habka Electroniga, gaar ahaan lacagaha taleefoonada EVC-ga-, eDahab-ka ama kuwa Walleta-ka.