Daawo: Koofi oo Muqdisho ku soo laabtay kana hadlay musuqii lagu maxkamadeeyey

Muqdisho (Caasimada Online)- Agaasimihii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta ku soo laabtay Muqdisho, kadib ku dhowaad labo sano oo dibadda uu ku maqnaa.

Koofi ayaa dalka ku soo laaba waayey maadaama isagoo maqan lagu soo eedeeyey musuq maasuq, wuxuuna muddo deganaa Nairobi, balse maanta ayuu dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo musharax ah.

Wuxuu si dulmar ah u eedeeyey raggii ku aoo oogay dacwadihii musuqmaasuqa, isagoo la xiriiriyey Al-Shabaab, isla markaana cabsi ka muujiyey inay weli dowladda ku dhexjiraan.

“Difaaca dalka ayaan Xarardheere iyo Ceeldheer uga jirnay markii nala eedeeyey, anagoo uga qeyb qaadanay af, adin iyo abaabul intaba, balse kuwo ka xumaaday halganka ayaa waxaad ogeydeen nagu eedeeyey, waxaana ka xumahay inay weli nagu dhexjiraan,” ayuu yiri Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Koofi.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Koofi ka beri-yeeshay eedeymihii musuqmaasuqa, wuxuuna hadda ka mid yahay musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Galmudug.

Maanta ayaa Koofi si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho, waxaana loo qabtay kulan weyn oo masuuliyiintii kasoo qeyb gashay ay hadalo ka jeediyeen, kuna guubaabiyeen damaciisa doonista xilka Madaxweynaha Galmudug.

Hoos ka daawo