Daawo: Lacag ka badan 20 milyan oo laga waayay qasnadda DF – Yey ku maqan tahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowraha guud ee qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan baaris ay ku sameeyeen laba xafiis oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Hantidhowraha ayaa sheegay in baaris fatash ah lagu sameeyay xafiisyada ruqsadda shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, isla markaana lagu ogaaday inay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax is daba-marin.

Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in xafiisyadan ay ku maqan tahay lacag ka badan 20 milyan oo dollar, taas oo aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya.

Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay in xafiisyadan ay qabteen lacag dhan $33,370,260 balse  $12,437,690 oo kaliya lagu shubay qasnadda dowladda, wuxuuna sheegay inay maqan tahay lacag gaareyso illaa $20,932,570, taas oo la waayay intii u dhexeysay sideeddii Maarso ee 2018-kii, illaa 19 April ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-kii.

“Lacagta dakhliga ah ee ay qabteen xafiisyada ruqsadda shaqada iyo shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka jinsiyadda intii u dhexeysay sideeddii Maarso 2018 ilaa 19 Apriil 2023 waxa ay ahayd lacag dhan $33,370,260, hase yeeshee $12,437,690 keliya, kana mid ah dakhliga guud ee ay xafiisyadaasi qabteen intii u dhexeysay sideeddii Maarso 2018, illaa 19-koo April 2023 oo ah muddo 5 sano iyo dheeraad ah waxay u xareeyeen DFS, iyaga oo marsiiyay nidaamka SFMIS-ka” ayuu yiri Guutaale.

Waxa uu intaas kusii daray “Balse farqiga u dhexeeya dakhliga ay xareeyeen iyo kan ay qabteen waa lacag dhan $20,932,570, taas oo ah cadadka lacagta dakhliga ah ee baarista fatashka ah ay daboolka ka qaaday inay ka maqan tahay qasnadda dowladda, isla markaana aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda.”

Guutaale ayaa waxa kale uu sii raaciyay “Taas micnaheedu wuxuu yahay in lacagtaas ay ka maqan tahay dakhliga guud ee dowladda sanadihii 2018 illaa 2023, kuna maqnaatay xafiisyada ay baarista fatashku quseysay ee kor ku xusan”.

Hanti-dhowraha guud ee qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lunsashada lacagtan ay saameyn ku yeelatay dowladda dhexe oo uu tilmaamay in xittaa ay deyn u gashay sidii mushaaraakooda loo siin lahaa shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xildhibaannada.

“Lunsashada $20,932,570 waxay qayb ka tahay sababta dhiig baxa dakhliga dowladda iyo cajsiga ku dhacay qasnadda dhexe ee dowladda, ayada oo ay taasi horseeday in dowladda Soomaaliya qaadato dayn iyo kab, si ay u bixiso oo kaliya mushaarka shaqaalaheeda, haddii uu yahay ciidanka, haddii uu yahay baarlamaanka iyo haddii uu yahay shaqaalaha guud ee dowladda” ayuu mar kale ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Hoose ka daawo:-