Daawo: Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay shir deg-deg ah + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa xalay shir deg-deg ah ku yeeshay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) iyada oo ay u dhammaayeen maamullada degmooyinka.

Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay roobabkii xooganaa ee maalmihii u dambeeyay ka da’ayay Muqdisho oo sababay culays xoogan iyo burbur.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka kadib la hadlay waraabinta ayaa ka warbixiyay shrkooda, wuxuuna sheegay in ka hadleen wax ka qabaashada xaaladaha ka jira gobolka.

“Waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ka qabsoomay shirkii degmooyinka iyo maamulka sare, shirkaas oo ahaa mid deg-deg ah, loogana hadlaayey xaaladaha guud ee ka jira magaalada Muqdisho, gaar ahaan roobabka” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Sidoo kale wuxuu intaasu ku daray inay la socdaan dhibaatada ka dhalatay daadadka ku dhuftay magaalada Muqdisho, ayna maamul ahaan haatan wadaan dadaallo xoogan.

“Waa roobab aad iyo aad culayskooda u wata, faa’iidadoodana wata, dadku waa u baahnaayeen roobabka, laakiin daadad iyo biyaha kasoo rogmaday culaysbaa ka yimid, marka culayskaas ayaan rabnay in degmooyinka ay isla wadaagaan” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wxuuu hoosta ka xariiqay inay ku howlan u gurmashada dadka ay dhibaatada soo gaartay qaadista biyo gooyay waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.

“Shirkuu wuxuu ku saabsanaa gurmad guud oo loogu talagalay heegan la geliyo maamulka gobolka Banaadir sida uu u dhan yahay” ayuu mar kale yirihi guddoomiye ku xigeenku.