Daawo: Madaale oo abaal-marinaya qoysaska askartii isku dhigtay qaraxa

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyaan saraakiil, culimo iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer iyo dhiiragelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee Howlgalka daafaha Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu kuur-galay xaaladda ay ku shaqeynayaan ciidamada amniga ee ka howlgala duleedka degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay ciidmada sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Madaale ayaa si gaar ah u xusay 4-marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, asigoona balan qaaday in uu ka-faalad qaadayo qoysaskooda.

“Gaarigi Leyla Calaawiga ahaa ee Qaraxa ka buuxay wiilashii isku dhigay waxay bad baadiyeen shacab badan, maamulka Gobolka Banaadir wuxuu damaanad qaaday nololsha qoysaskooda” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Guddoomiye Madaale ayaa saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay Deeq isugu jirtay 20-Neef oo Ari ah iyo raashin, taasi oo qeyb ka ah dhiira-gelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku howlan sugida amniga iyo bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Garasbaaley, Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag, Culuma’udiin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Laamaha Amniga.

Hoos ka daawo