Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo soo jeediyay inuu xilka ka dego + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ugu baaqay inuu is casilo, una turo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Yuusuf Gamaadiid oo kamid ah xildhibaannada mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka, isaga oo kula taliyay inuu noqdo madaxweynihii u horeeyay ee Afrikaan oo isku casilo fashil siyaasadeed dartiis.

“Madaxweyne waad ku fashilantay hoggaanka dalka ee noqo madaxweynihii koowaad ee Afrikaan ah ee ku fashilmay hoggaanka ee is casilay” ayuu yiri Xildhibaan Gamaadiid.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Madaxweyne Xasa Sheekhow waxaa ku haray hal shay inaa ka tagto kaliya, halkaasna wuxuu yahay oday da’ ah baa noqotay, dalkana god-baa ku riday is casil, xilkana isaga dag”.

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in madaxweynuhuu uu dalka ku riday god dheer, isla-markaana ay meesha ka baxday rajadii laga qabay dib u doorashadiisii 15 May ee sanadkii 2022-kii.

“Dalkan fashil oo baqdin loo qabo dowladnimadeenna ayaa ka jira, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la’is lahaa oday Soomaaliyeed oo da’ iyo waayo aragnimo u dhineyn oo 5 sano mucaarad soo ahaa oo bannaanka taagan, waxbuu toosin doonaan dowladnimada halka ay joogto ayuu kasii wadi doonaa ayaa la wada aaminsanaa, laakiin ma dhicin” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in madaxweynaha uu isku soo koobay awooddii dowladnimada, isla markaana uu burburiyay hay’adihii dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan la soconaa systemkii dowladnimada ee saddexda hay’adood is xisaabineysay in meesha laga saaray oo hal xafiis madaxtooyada hoostaga dhamaan laga dhigay” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo leh wajiyo kala duwan waxaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay xilligan la kulmayaan culeys uga imaanaya dhanka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.