Daawo: Mukhtaar Roobow oo su’aal adag laga weydiiyey Sheekh dil ku hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa galabta wajahay su’aalo adag oo guddiga arrimaha diinta ee golaha shacabka ay ka weydiiyeen waxyaabaha khuseeya wasaaradda ee ka dhex socda dowladda.

Mid ka mid ah su’aalihii ugu adkaa waxaa weydiisay xildhibaan Faa’isa Jeyte, waxayna tiri “Waaiir Mukhtaar mid kamid ah culimadii aad ku casuumateen shirka ayaa yiri qofkii dowladda Xasan Sheekh mucaarada hala dilo, marka ma dowladdaa ka dhex bilowdeen?”

Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka jawaabay su’aasha Xildhibaan Faa’isa Jeyte ayaa sheegay in hadalkaas qof yiri uusan garaneyn, isla markaana aysan masuul ka aheyn hadal wadaad yiri.

“Waa ogtihiin culimo meel isugu timid midba meel ayey mas’aladu la geleysaa, marka anigo ma ogi qof yiri qof kale hala dilo, waxaasna wasaaraddu maauul kama aha,” ayuu yiri Waaiir Mukhtaar oo iska fogeeyey eedeynta xildhibaan Faa’isa Jeyte.

Xildhibaanada kale ee guddiga ah ee goobta su’aalo weydiinta ah joogay ayaa Wasiirka si cad ugu sheegay in arrinta ay xikdhibaan Faa’iso sheegtay ay jirto, isla markaana wadaadka ay ka hadlayaan uu si toos ah u yiri hadalkaas.

Mukhtaar Roobow oo is jilcinaya ayaa ku jawaabay “in hadalkaas la yiri waa dhici kartaa, balse qorshihii loo qabtay shirkaas kuma jirin dadka in dil loo iclaamiyo, waxaana ka bixineynaa raali gelin, hadii qof aan soo casuumanay uu hadalkaasi ka soo yeeray,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale, Wasiirka Diinta Soomaaliya ayaa wajahay su’aalo kale oo u badan kiisas ku saabsan xajka iyo sidii loo maareeyey, iyadoo xildhibaanadu ay si adag u weydiiyeen su’aalo ku saabsan qaabka loo qeybiyey qoondadii reer Puntland ay ku lahaayeen xujeyda.

Su’aalo weydiinta ayaa socotay muddo labo saac ah, waxaana Wasiir Mukhtaar Roobow ku wehliyey oo qaar kamid ah su’aalaha ka jawaabayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta Ibraahim Nadaara.

Hoos ka daawo