Daawo: Odawaa oo si adag uga jawaabay eedeymo xasaasi oo DF loo jeediyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo maanta hadal ka jeediyey kulanka golaha shacabka ayaa si adag uga jawaabay eedeymaha maalmihii lasoo dhaafay ka imaanayye xildhibaanada mucaaradka ah oo ku wajahnaa madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

Odawaa ayaa soo qaatay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin hadaladii xildhibaanadu ka dheheen hubkii lagu boobay Caabudwaaq iyo xildhibaankii sheegay in maalin ka hor uu Muqdisho ku dhex arkay, gaar ahaan xerada Xalane Taliyaha sirdoonka Itoobiya.

“iyadoo shan maalin kahor 150 Kooxda Al-Shabaab ay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Jubbaland ay Jubbada Hoose ku dileen, in rag madax ah inta soo istaagaan ay yiraahdaan Guuto Ciidan ah oo dagaalami kartaahi majirto, Ciidanka ma qabato taasi,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Odawaa ayaa xildhibaanada u sheegay in warka ay sheegayaan ay masuuliyadi ka saaran tahay, isagoo tusaale u soo qaatay sida xildhibaanada qaar ay uga hadleen arrinta hubka.

“Xildhibaanka waxaa laga rabaa xogta uu hayo ee uu hubo inuu sheego, wixii malo ahna hadii uusan sugi karin inta laga hubinayo inuu cadeeyo in uusan hubin, shalay xildhibaan ayaa halkaan ka sheegay in taliyaha Nabad sugidda Itoobiya uu Muqdisho ku arkay, warku hadii uu iska dheh noqdo adiga shakhsiyadaada ayuu wax u dhibayaa,” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in arrinta hubka guddi soo baara loo xil-saaray, isla markaana ay cadaatay in si sharci darro ah uu dalka ku soo halay.

“Dowladda waa laga qaaday cunaqabateyntii hubka, waxayna awoodaa in si sharci ah ay hub u soo iibsato, wasaaradda gaashaandhigga ayaa u xil-saaran arrintaas, ma jirto sabab dowladda loogu eedeeyey ama loogu tuhmo inay hubkaas laheyd,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay hubka ku faani jireen, balse maanta la weysan yahay cidii laheed hubkii lagu boobay Caabudwaaq, isagoo qiray in khatar uu bulshada ku yahay hub aad u badana uu ahaa.

Cabdiraxmaan Odawaa ayaa guddoomiyaha golaha shacabka ka dalbaday in xoogga la saaro arrinta xaqiiqo raadinta, iyadoo la kaashanayo xukuumadda iyo dowlad goboleedka Galmudug, si guddiyada la diro ay warbixin dhameystiran uga keenaan arrinta hubka.

Hoos ka daawo