Daawo: Qalad weyn oo ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta baaqday, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in uu yahay qalad wayn oo ka dhacay baarlamaanka.

Sababta uu u baaqday kulankan oo bilow u ahaa kalfadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa la xiriira kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaanno badan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in kaliya 108 xildhibaan ay soo xaadireen, taasina ay tahay ayaan darro, maadaama ay fasax dheer kasoo laabteen xildhibaannadu.

“Maadaama saddex bilood fasax la galay maanta waxaan fileynay in si xamaasad leh loo imaanaayo oo shirka noo furmaayo oo shuruucdii kalfadhiga 4-aad dhaqaaqi waayay aan xoogga saarno oo maanta shaqadaas bilaabeyno walaalayaan waan ka xumahay in kooramkii la waayay oo la yiraahdo 108 ayaan dhaafi waynay” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay tahay qalad wayn oo dhacay, maadaama ay baaqatay shaqadii ay Umadda Soomaliyeed ka sugayeen xildhibaannadooda.

“Saaka waxaan is leeyahay qalad wayn ayaa dhacay marka waxaan usoo jeedinayaa xildhibaannada yimid ee isa soo xilqaamay waad mahadsan tihiin waajibkiina dastuuriga ah ayaad gudateen, waana idinka mahacelinayaa” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoob.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin culus u diray xildhibaanno uu sheegay inay joogaan magaalada Muqdisho, haddana ay xaadiri waayeen kulankii maanta, taas oo uu sheegay inay ceeb ku tahay, maadaama ay gudan waayeen waajibkii dastuuriga ah ee lagu lahaa.

“Xildhibaannada maanta imaan waayay kuwa dibadda jira oo aan weli imaan iyo kuwa jooga ayay kala yihiin waxaan leeyahay baarlamaanka waa la furay ha yimaadaan, xildhibaannada jooga magaalada ee imaan waayay fadhiga waa is ceebeyseen, baarlamaankana waad ceebeyseen, waana gudan wayseen waajibaadkiisa” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo xiray kulankii, wuxuuna sheegay inuu u baaqday maqnaasha xildhibaannada tagi waayay xarunta Villa Hargeysa.

“Maanta sidaas ayuu shirka ku baaqday dad magaalada jooga daraadeen ayaa shirkiina daraadiis u qabsoomi waayay oo xildhibaanno ah” ayuu kusoo gabagabeeyay.