Daawo: Rooble oo si cajiib ah uga hadlay amniga Muqdisho, fariina u diray shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Maxamed Xuseen Rooble, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu dhiiragalinayay ciidamada ammaanka oo lagu qabtay degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir.

Masuuliyiintaan oo ciidamada ammaanka ku maray qaar ka mid ah baraha ay ku hubiyaan dadka iyo daadiidka ayaa aad ugu boggaadiyay shaqada culus ee ciidamada qaranka ay u haayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta maanta isugu tagtay Kaxda oo Rooble iyo wasiirka Gaashaandhigga ay ugu horeeyaan ayaa tilmaamay in ciidamada amniga ay har iyo habeenba u taagan sugida amniga Caasimadda, isla markaana ay ku guuleysteen inay amni ku soo dabaalaan Muqdisho.

“Socdaalkeena degmada Kaxda waxa uu cadeyn u yahay in Muqdisho amni tahay, qof walbana meesha uu rabo uu tagi karo, ku dalxiisa dalkiina oo taga daafaha magaalada, soo dega degmooyinka quruxda badan, kuna dhiirigeliya ciidamada qaranka shaqadaan quruxda badan ee naftooda ay u hureen,” ayuu yiri R/wasaarihii hore dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale masuuliyiintaan waxaa kamid ahaa Wasiirka gaashanadhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay shaqo culus ka heyso sugidda amniga qaranka, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray qorshihii lagu nabadeyn lahaa guud ahaan dalka.

“Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda waa nabad, dhawaana dalka oo dhan ayaa la isku furayaa, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in qof kasta oo muwaadina, meel kasta oo uu joogo uu helo amni uu ku noolaado, waana gaari doonaa,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Muqdisho ay amnigaan ku heshay qorshaha dowladda iyo dadaalka ciidamada qaranka oo fogeeyey, siina eryanaya duurka fog kooxihii Khawaarijta ahaa ee dadka dhibaatey jiray.

“In dalkaan aan amni ku soo dabaalno waxaan ku gaari doonaa inaan dhiig badan u shubno, shacabka Soomaaliyeed-na ay nagu garab istaagaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Jaamac.

Hoos ka daawo