Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dhismaha dumay ayaa ku dhow isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Shaqaalahan ayaa waxaa xiliga ay shaqada socotay kusoo dumay gurigaas taas oo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha ku howlanaa dhismaha.
Dhismahan soo dumar ayaa aad ugu dhow Shaleemadii hore ee Ecuadore oo ku taalla Isgoysks KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Shilkaan ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay ilaa Saddex ruux kuwaas oo dhammaantood ahaa Shaqaalihii dhismaha ka Shaqeynayey.
Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 2 qof sidda ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo tagay goobta uu shilku ka dhacay.
Khasaaraha ugu badan ayaa sabab u ahaa dhismaha dumay oo ahaa Dhisme Shub ah sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha degmada Hodon Maxamed Axmed Cantoobo, waxaana uu sheegay in Hay’adda Gurmadka deg deg ah ay dadkaasi gurmad u fidiyeen.