Shaqadii BF oo istaagtay iyo sababta ka dambeysa + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba istaagtay shaqadii ka socotay Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhex-galay qaar kamid ah xildhibaannada iyo guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulamadii u dambeeyay ayaa baaqday, sababo la xiriira xiisadda kasoo cusboonaatay Baarlamaanka, kadib markii Sabtidii lasoo dhaafay uu buuq xooggan hareeyay kulanka, taas oo keentay in ugu dambeyn lasoo xiro, laguna kala tego hoolka Villa Hargeysa.

Sidoo kale Isniintii oo la filayay inuu kulanka furmo ayuu baaqday, iyada oo mar kalena uu maanta dib u dhacay, waxaana la sheegay in guddoonka uu hakiyay kulamada.

Arrinta ugu wayn ee la’isku hayo ayaa ah maamuus ka xayuubintii Mudane Xildhibaan Cabdullaahi Abiib oo horay looga eryay Baarlamaanka, waxaase diiday oo arrintaas mooshin ka keenay qaar kamid ah Mudanayaasha oo ku tilmaamay sharci darro, hase ahaatee waxaa mooshinka ay wadeen Xildhibaannada diiday Sheekh Aadan Madoobe.

“Mooshin marka la qabanaayo waa inuu waafaqsanaadaa dastuurka iyo xeer hoosaadka waa ka hor imaanayaa, weliba si cad saa daraadeed lama qaban karo” ayuu yiri Guudoomiye Aadan Madoobe

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Haddaan qabto dambiile ayaa noqonayaa, mana qabanaayo ee buuqa joojiya xildhibaannno”.

Dhinaca kale, qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka oo ka hadlay baaqashada kulamadooda iyo shaqada istaagay ayaa sheegay in mas’uuliyadda uu qaadi doono guddoomiyaha oo ay ku eedeeyeen inuu xiray kulamadii u socday xubnaha Golaha.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay diyaar u yihiin furitaanka Baarlamaanka, isla markaana ay wax weliba ku dhammaan gudaha xarunta, lagana gudbi doono xaaladda taagan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa haatan horyaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashooyinka, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.