Daawo: Sheekh Cali Wajiis oo Itoobiya ku eedeyay arrin halis ah oo ku saabsan inay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, sidoo kale ah la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha diinta ayaa si kulul uga hadlay xiisadda sii laba kacleyneysa ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cali Wajiis oo toos ugu jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in hadalkiisa uu muujinayo inay wada-shaqeeyaan iyaga iyo kooxda Al-Shabaab.

“Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu dhowaan yiri Taye Astke Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Sheekha oo jawaab adag ka bixiyay hadalkan ayaa sheegay in Itoobiya iyo argagixisada ay iska war qabaan, ujeedkana uu yahay in la burburiyo qaranimada Soomaaliya.

“Shalay waa dhageysaneyseen wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya hubka dowladda Soomaaliya soo gadatay wuxuu yiri hubkaasi argagixisada ayuu aadayaa, halkaas waxaad ka gartaa in Itoobiya iyo argagixsada ay iska warqabaan,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya ay rabto in fasiraad qaldan ay ka bixiso hubka ay heshay dowladda dhexe, maadaama laga qaaday cunqabateyntii hubka.

“Wuxuu rabaa in dowladda Soomaaliya meesha ka baxdo, argagaxisadana uu cayiliyo, kadibna dacaayad u sameeyo, si uu u maqashiiyo caalamka, taas micnaheedu waxaa weeye waa wada shaqeeyaan”. ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in difaaca dalka ay ku garab siiyaan dowladda federaalka, si loo soo xiro xuduudaha dalka.

“In dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha lagu garab istaago dhammaan xuduudaha Soomaaliya lasoo xiro, qodobkaas waa qodob lagama maarmaan ah” ayuu raaciyay.